Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey 21-ka Nofeembar maalinta macalinka Soomaaliyeed iyaga iyo qoysaskooda, isagoo tilmaamay in macalimiinta Soomaaliyeed ay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta macalimiinta iyo aqoonta ubadka Soomaaliyeed, sidaa awgeed billawgii xukuumaddu ay qaadatay 3-kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasoo ka hawl-gala guud ahaan gobodallada dalka, iyada oo sannadka cusub ee 2024-ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale ah.













