Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Garyqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku metalay Soomaaliya Kulan Caalami ah oo ka dhacay Dalka Masar.
“Waxaan magaalada Qahira kaga qaybgalay kulanka 5aad ee Heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha Dasruuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika oo sanad kasta lagu qabto dalka Masar.
Kulanka waxa looga hadlayaa caqabadaha la dagaalanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justice) iyo dhaqanka wanaagsan ee Garsoorka iyo caddaalada doorashooyinka la xidhiidha”.













