JAWAHIR BARQAB: Guddoomiye waan kugu taageersanahay baabi’inta fisqiga iyo Maandooriyaha

0
480

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab oo shalay warbaahinta kula hadashay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegtay in haween weynaha Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan tallaabadii uu qaaday Duqa Muqdisho.

Marwo Jawaahir ayaa sheegtay inay ku ammaanayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) tallaabada uu wax kaga qabanayo dhaqan xumada ka jira Xeebta Liido, waxa ayna sheegtay in dhibaato weyn ay bulshada ku hayeen mukhaadaraadka iyo dhaqan xumada goobahaas ka socday.

“Guddoomiye Madaale Haddaan nahay Haweenka Soomaaliyeed waxaan soo dhaweynaynaa tallaabadii aad qaaday ee aad kula dagaallamayo goobaha lagu hayo dhaqan-xumada iyo maandooriyaha ee ku yaalla xeebta Liido, garab ayaana kugu siinaynaa suulintooda,” ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ay hareeraheeda fadhiyeen mas’uuliyiin ka tiraan haweenka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Baarqab waxay sheegtay in wax loo adkeysan karo ayaan ahayn in gabdho iyo wiilal dhallinyaro ah inta meel la isugu keeno oo la daroogeeyo, haddana meel inta la igu geeyo wixii aad doontaan sameeya la yiraahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here