Mas’uuliyiin dhawaan isbeddel lagu sameeyay oo loo kala wareejiyay xilalka: SAWIRRO

0
550

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa xilalka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud ee Waaxda Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

1. Mudane Cabdirashiid Ibraahim Maxamed ayaa la wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Waaxda Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

2. Mudane Cabdullaahi Muuse Axmed (Caraaye) ayaa la wareegay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhawaan is-beddel ku sameeyay labada mas’uul ee maanta xilka isku wareejiyay.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimayaal Guud, Agaasime Waaxeedyo iyo hawlwadeenno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here