Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalinta deegaanka Gaashaanle Sare Maxamed Caraboow Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ee Xamar.
Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ku xigeenada Duqa Muqdisho dhanka Maamulka iyo maaliyadda iyo arrimaha Bulshada, Xoghayha guud, Afhayeenka, Gudoomiyaha Haweynka, Gudoomiyssha degmooyinka, Agaasimeyaal iyo Saraakiil Ciidan.
Ku-xigeenka duqa ee dhanka maamulka iyo Maaliyada Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud(Caana Boro) ayaa xilka u kala wareejiyay hogaanka cusub ee taliska ciidanka ilaalinta deegaanka dowladda Hoose ee Xamar .
Gudoomiye Caanabooro ayaa hogaankii hore uga mahadnaqday sida wanaagsan ay ugu soo shaqeeyeen bulshada,waxuuna hogaanka cusub u rajeeyay inay waxbadan ka qabtaan doonaan magaalada caasimadda ah.














