Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii ay Somalia u xasili lahayd: SAWIRRO

0
478

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sheeekh Maxamuud iyo Kenya, William Ruto ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa kaga hadlay xiriirrada ganacsi iyo amni ee labada dal ka dhexeeya.

“Kenya waxa ay sii wadaysaa taageerada ay ka geysanayso sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd dal xasilloon oo nabad ah” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay Ruto in Soomaaliya oo xasilloon ay faa’iido u tahay dadkeeda iyo kuwa ku nool gobolka oo dhan.

“Soomaaliya oo nabad ah waxa ay horseedaysaa jawi wanaagsan oo kordhin kara ganacsiga u dhexeeya labada Qaran” ayuu Ruto ku yiri mar kale qoraalkiisa oo ahaa mid kooban.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ruto ayaa horay u yeeshay kulan ay uga hadleen xiriirka labada dal, iyagoo kala saxiixday heshiisyo dhaxal-gal noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here