Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo shaacisay in ay 3-kun oo Macallin qaadsnayso Sanadka soo socda ee 2024-ka

0
128

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha lyo Taclinta Sare ee XFS ayaa war-axaafadeed ay soo saartay kusoo dhaweysay go’aankii labada gole ee baarlamaanka ku meel-mariyeen miisaaniyadda sannadka 2024-ka, isla markaana mudnaan gaar ah lagu siiyay wax ka qabashada baahida waxbarashada dalka, oo ay Wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Wasiirka Waxbarashada, mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Xukuumadda iyo Baarlamanka uga mahad-celiyey kordhinta qoondada miisaaniyadda wasaaradda oo qorshaheedu yahay baahinta, horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka. Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha wasaaraddu yahay in billowga sannadka 2024-ka la qaato 3,000 oo macallimiin cusub ah, si loo baahiyo waxbarashada sida weyn ubadkeennu ugu baahan yahay.

Wasaaradda ayaa si tartan hufan oo daah-furnaan leh u guda-geli doonto qaadashada, tababarka iyo shaqaaleysiinta saddexda kun ee macallimiin ee cusub, iyadoo mudnaan la siinayo macallimiinta gabdhaha ah iyo macallimiinta ka hawl-galaysa goobaha laga xoreeyay khawaarijta. Qorshahaan lagu qaadanayo macalimiinta waa wejigii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka Qaran ee baahinta waxbarashada, si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed oo aan wali helin fursadaha waxbarashada ay xaqa u leeyihiin.

Ugu dambeyn, Wasiir Faarax C/qaadir ayaa uga mahadceliyay guud ahaan banda waxbrashada, gaar ahaanna wasaaradaha waxbarashada ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, sidii hufnaanta lahayd ee ay kaga qayb-qaateen hanaankii loo maray qaadashada, tababarka iyo meeleynta seddexdii kun ee macallin ee hore oo maanta si rasmi ah uga howgala dugsiyada dalka ee dowladdu maamusho, waxa uuna ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan hannaanka qaadashada macallimiintan cusub ee 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here