Kooxda Newcastle United ayaa cagta marisay guulihii ay ku socotay Manchester United, waxaana guuldarradan ay kusoo beegmaysaa iyadoo saddexdii cayaar ee la soo dhaafay ee horyaalka Premier League ay badisay kooxda, iyadoo saddexdii dhibicood ay la hoyatay xalay kooxda Newcastle.
Inta badan cayaarta waxaa maamulaysay kooxda Newcastle United, waxaana guul-darrada ku dhacday kooxda Man United ay noqonaysaa mid ka mid ah xanuunnadii ay la kulantay kooxda tan iyo markii uu billowday xilli cayaareedkan horyaalka Ingiriiska.
Manchester United ayaa qaybtii hore ee cayaarta la timid weerar, waxaa iska hor-taagay inay gool dhaliyaan goolhaye Nick Pope oo isku duubay kubbad xawaare ku socotay oo uu soo laaday, Alejandaro Garnacho.
Sidoo kale, Miley ayaa fursad loo qiyaasay gool, waxaa ka joojiyay Maguire iyo Onana oo isku kaashaday, halka Trippier uu laad xor ah birta ku dhuftay, wax yar ka hor intii aanay dhammaanqaybta hore ee cayaarta.
Kooxda Newcastle ayaa daqiiqaddii 55-aad ee qaybta dambe ee cayaarta hoggaanka la wareegtay, kaddib markii uu Anthony Gordon dhamaystiray kubbad uu dhinaca kasoo dhigay Trippier oo dhawr difaac iyo goolhayaha soo dhaxdooda dhexmariyay.
Sidoo kale, Newcastle ayaa ku doodday in loo dhigo rikoodhe markii uu Joelinton uu dhinaca bidix kala soo galay kubad uu u dhiibay Miley oo darbad uu ku toogtay goolka uu isku dhigay Wan-Bissaka oo u muuqanayay in ay gacan kaga dhacday, balse garsooraha ayaa u sheegay in aanay waxba dhicin.
Man. United ayaa dhammaadkii cayaarta dhalisay gool Offside ah, kaddib markii kubbad uu laacibka Antony soo laaday ay kusii dhacday Maguire.
Ugu dambeyn, Natiijadan ayaa ka dhigan, in Newcastle United ay soo gashay kaalinta 5 ee horyaalka Premier League waxa ayna yeelatay 26 dhibcood.