Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray shirka hannaanka wada-shaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar, degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.
Furitaanka shirkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyada oo madasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo bandhigay warbixina la xariira muhiimadda uu hannaankan u leeyahay dardar-galinta iyo hufnaanta hawlaha lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada gobolka Banaadir.
Madaxdii kala duwaneyd ee ka hadlay shirkan ayaa ballan-qaaday in ay dardar-galin doonan iskaashiga iyo wada-shaqeynta waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir iyo sidoo kale daahfurnaanta isla xisaabtanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dardaarmay in mas’uuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta, qorista iyo ku hadalka afkeenna hooyo, isagoo sheegay in cid kaste lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.