Qaramada Midoobay oo bogaadisay Guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Xuquuqda dadka Naadafa ah: SAWIRRO

0
465

Munaasabad ka dhacday Soomaaliya oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee dadka naafada ah, ayaa Qaramada Midoobay waxay ku ammaantay horumarka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka sameeyeen kor u qaadidda xuquuqda iyo ka qaybgelinta dadka naafada ah ee arrimaha siyaasadda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan Dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyo guulaha muhiimka ah ee ay ka gaartey ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah. Guulahan waxaa ka mid ah ansaxinta heshiiska QM ee xuququda dadka naafada ah, dhisidda hay’adda naafada Qaranka (NDA) iyo ansaxinta golaha wasiirradu ay dhawaan ansixiyeen hindise-sharciyeedka xuquuqda naafada,” ayaa ay tiri ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Iyadoo la filayo horumarro dheeraad ah, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ayaa rajo ka muujisey in geeddi-socodka sharci-dejinta uu ka dhalan doonno meel-marinta Hindise-sharciyeedka xuquuqda naafada, waxa ayna carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay awood-siinta iyo ka-qaybgelinta dadka naafada ah.

“Qaramada Midoobay waxay rajo fiican ka qabtaa in baarlamaanka FS uu meel-marin doonno hindise-sharciyeedka xuquuqda naafada iyo in la saxiixo si uu sharci u noqdo,” ayaa ay tiri.

Gbeho ayaa ka hadleysay munaasabadda sida wadajirka ah loogu xusayay Maalinta, oo sidoo kale ahayd munaasabadda daah-furka Warbixinta qiimeynta naafada Qaranka ee ay soo saartey hay’adda NDA iyo soo-bandhigidda iyo ansixinta Istiraatiijiyadda iyo qorshe hawleedka shanta sano ee hay’adda naafada Qaranka (NDA).

Munaasabaddan waxaa isugu yimid ururrada dadka naafada ah, mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, iyo hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta si loo iftiimiyo guulaha ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha hortaagan dadka naafada ah ee Soomaaliya.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu mahad-naqo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah, gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan yihiin dadka naafada ah taas oo si cad u muujinaysa sida ay ugu go’an tahay gacan-siinta dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sababta oo ah marka dambe, waxaan rajeynaynaa in ay wax ku biirrin doonaan himilada Soomaaliya ee bulsho nabad ah, barwaaqo ah oo xasilloon ee aan cidna laga tageynin,” ayaa ay tiri Ms. Gbeho.

Tallaabo muhiim ah   

Iyadoo lagu saleynayo celceliska caalamiga ah ee boqolkiiba 15 ee dadka naafada ah, waxaa lagu qiyaasey ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo Soomaali ah in ay yihiin dad naafo ah. Si kastaba ha ahaatee, colaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee daba dheeraaday awgood, tiradan, marka Soomaaliya la eego waxay u badan tahay in ay intaasi ka badan tahay.

Sidoo kale, Ms. Gbeho ayaa hadalkeeda ku muujisay muhiimadda ay leedahay warbixinta qiimeynta naafada Qaranka, ee ay Qaramada Midoobay taageertay.

“Daahfurka warbixinta qiimeynta baahiyada naafada Qaranka oo qaadatay hal sano iyo bar in lagu soo dhameystiro, waa tallaabo kale oo muhiim ah oo si cad loogu go’aaminayo in safka hore la keeno xuquuqda dadka naafada ah – kuwan oo dhan waa qaybo ka mid ah dadaallada ka-qaybgelinta ee lagu xaqiijinayo in aan cidna laga tegin,” ayaa ay tiri Ms. Gbeho. “Warbixinta qiimeynta baahiyada naafada Qaranka waa muhiim maadaama ay faham wanaagsani ka bixin doonto caqabadaha ay dadka naafada ah ku wajahaan Soomaaliya. Warbixintu waxay muujinaysaa caqabado dhowr ah oo muhiim ah oo ay wajahaan dadka naafada ah oo ay ka mid yihiin takoor ay la kulmaan, in ay ku adag tahay gaarista goobaha waxbarashada iyo kuwa gargaarka bani’aadamnimada, iyo in aanan laga qaybgelin hannaannada go’aan-qaadashada.”

“Markaan horay u sii socono, tallaabooyinka xiga waxay noqon doonnaan in aan aragno hirgelinta soo-jeedimada warbixinta ku jira in laga dhabbeeyo,” ayay hadalkeeda raacisay. “In lagu guuleysto hirgelinta soo-jeedimada ayaa xaqiijin doonta in dad naafada ah laga qaybgeliyo nolosha qaybaheeda kala gedisan.”

Dadka ugu nugul 

Sida ku cad qorshaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya 2020-2024, dadka naafada ah waa dadka ugu nugul Soomaaliya waxayna ka tirsan yihiin kooxaha danyarta ah ee aan haysan wax ilaalin bulsho iyo mid shaqo toona.

Hay’adda Naafada Qaranka waxaa la aasaasey sannadkii 2018-kii, waxaana si rasmi ah loo daah-furey bishii Luulyo 2021 si kor loogu qaado oo xuquuqda naafada loo dhexgeliyo siyaasadaha, shuruucda, barnaamijyada iyo hay’adaha jira. Waxay sidoo kale dooneysaa in ay si siman ugu adeegto dadka naafada ah iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah (CRPD).

Ugu dambeyn, Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 1992-dii ku dhawaaqay 3-da bisha Disembar ee sanad walba in la xuso Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah. Maalinta waa maalin uu caalamka u dabbaaldegayo xuquuqda, sharafta, iyo guulaha ay ku tallaabsadeen dadka naafada ah. Sidoo kale waa fursad kor loogu qaadayo wacyigelinta looguna qareemaynayo dadka naafada ah in awood loo siiyo oo laga qaybgeliyo dhammaan dhinacyada nolosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here