Mas’uuliyiin Maamulka G/Banaadir ka tirsan oo booqday Dugsiga Farsamada Haweenka ee Degmada Shibis: SAWIRRO

0
240

Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane C/llaahi Aadan Muuse, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, marwo Jawaahir Baarqab iyo madax ka socotay hay’adda Qatar Charity ayaa kormeer ku tagay dugsiga horumarinta farsamada haweenka ee degmada Shibis.

Maamulaha dugsiga, maamo Safiyo ayaa madaxda ugu warbixisay horumarrada ka jira dugsiga, caqabadaha haysta iyo dadaalka ay geliyaan sidii loo soo saari lahaa haween xirfado kala gedisan leh, waxa ayna sheegtay in dhawaan ay dugsiga ka qalan-jabin doonaan ku dhawaad 500 oo haween ah kuwaas oo 6-dii bilood ugu danbeeyay wax ku baranayay dugsiga.

Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir ayaa ballan-qaaday in la haqab-tiri doono baahiyaha dugsiga, isla markaana lagu soo dari doonno takhasusaad cusub, si loo horumariyo aqoonta iyo xirfada haweenka wax ka barta dugsiga.

Ugu dambeyb, madaxda Qatar Charity ayaa dhankooda sheegay in ay ka qayb-qaadan doonaan horumarinta dugsiga iyaga oo cadeeyay in ay sanadka soo socdo qorshaha ku darayaan sidii loo ballaarin lahaa dugsiga, isla markaana loo qalabeyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here