Kulan lagu taageerayay looguna mahad-celinayay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud dadaalladii iyo waqtigii uu geliyay in dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka oo dalka ay saarneyd in ka badan 31-sano iyo ku biirista daladda bulshaweynta Bariga Afrika.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta degmada Kaxda, waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Maamulka degmada Kaxda.
Ugu dambeyn, Shacabka reer Kaxda ayaa muujiyay dal jeceyl iyagoo madaxweynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed la qaybsaday farxadda iyo ka guul gaarista labadaan qorshe oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.