Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa daah-furay tababar ku aaddan sare u qaadidda aqoonta iyo xirfada guddiyadda nabadda ee degmooyinka daafaha gobolka Banaadir.
Tababarkan oo ujeedkeedu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta guddiyadda nabadda toddoba degmo oo dhaca daafaha ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) iyo isku duwaha barnaamijka xasilinta, mudane Axmed Maxamed Caseyr Dhuubow.