GUDDOOMIYE YABOOH: Kaalin Mug leh ayuu Gobolka Banaadir ka Qaadanayaa Gurmadka Walaalaha Turkiga: SAWIRRO + MUUQAAL

0
426

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banadir iyo Duqa Muqdisho, ahna guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in gurmadka loo ururinayo walaalaha Turkiga uu Gobolka Banaadir kaalin mug leh ku yeelam doono.

Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkan ka sheegay kulan loogu gurmanayay walaalaha Turkiga oo xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka 1-aad ee dalka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweynaha ku nool Muqdisho.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxaan uga mahadcelinayaa go’aan lagu dhisay guddiga gurmadka walaalaha Turkiga iyo Suuriya oo ay dhul-gariirro xoogaan ku dhufteen” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale, wuxuu ka sheekeeyay gurmadkii ay Turkigu u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed, markii ay dhibaatadu ku habsatay, waxa uuna xusay in gargaarkii ay Soomaaliya keeneen intiisa badan ay ka fuliyeen Muqdisho, waxaana ka mid ah dhismaha waddooyinka, isbitaallada, goobaha waxbarashada, saldhigga Turksom iyo goobo kale oo muhiim ah.

“Garab-istaaggii walaalaha Turkiga waa mid uu qof walba oo Soomaali ah uu ogyahay, waxaana gargaarkooda uu ka duwan yahay kuwa dalalka kale ee caalamka ay noogu deeqeen. Waayo gargaarka Turkiga waa mid muuqda oo muddo dheer jiri doona,” ayuu yiri ku-simaha Duqa Muqdisho.

Dhanka kale, Mudane Yabooh ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay gurmadyada la fidinayo kaalin weyn ku leeyihiin, isagoo xusay in loosoo diray sawirka haweeney Soomaaliyeed oo sheegtay inay dahabkeedii u gatay si ay ugu caawiso walaalaha Turkiga iyo Suuriya.

Kulanka loogu gurmanayo shacabka Turkiga waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xubno ka mid ah haweenka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yaboo ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu bixin doonaan gargaarka kaga aaddan gurmadkan, isagoo ka dalbaday xubnihii kulanka kasoo qayb-galay inay gacan mug leh ku yeeshaan gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here