Guddoomiye Madaale oo bukaanno dalka wax looga qaban waayay u diray dalka dibaddiisa si loogu soo daweeyo: SAWIRRO

0
580

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dalka dibaddiisa u diray 6 ruux oo bukaan ah, kuwaas oo xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay, waxa ayna tani qayb ka tahay samafallo noocan oo kale ah oo uu horay bukaanno ugu sameeyay Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Madaale.

Bukaannadan oo dhammaantood haween ahaa ayaa waxaa ku jiray saddex hablood oo ka tirsan shaqaalaha gobolka Banaadir, halka saddexda kalena ay ahaayeen shacab, waxaana dhammaantood ay qabeen xanuunno kala duwan oo dalka wax looga qaban waayay, waxaana goob-joog ka ahaa xaflad lagu sagootinayay; xildhibaanno iyo agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

“Markii naloo soo gudbiyay xanuunnada ay dadkan qabaan ayaa go’aansannay in aan dalka dibaddiisa u dirno si loogu soo daweeyo, waxaana Ilaahay ka baryayaa in uu safarkooda u fududeeyo, iyaga oo caafimaad qabanna uu noo soo celiyo,” ayuu Guddoomiye Madaale ka sheegay xaflad lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose oo lagu sagootinayay bukaannadan.

Sidoo kale, bukaannada qaarkood oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in ay uga mahad-celinayaan guddoomiye Yuusuf Xuseen Madaale kafaalo qaaday caafimaadkooda iyo qarashka ku baxaya safarkoofa inta ay caafimaadka ku maqan yihiin. Waxaana qaarkood oo ilmeynaya ay ku tilmaameen Duqa Muqdisho samafale aan dadkiisa waxba ka hagran.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab ayaa xafladda lagu ambabixinayay bukaannada ka sheegtay in guddoomiye Madaale uu sidan oo kale ugu diray dalka dibaddiisa bukaanno ay lasoo gudboonaadeen xaalado caafimaad, kuwii bogsadayna ay soo noqdeen, kuwo kalena ay weli safarkodii caafimaadka ku maqan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here