Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Museveni.
Booqashada shaqo ee uu Madaxwayne Xasan ku tagay Uganda ayaa ujeedkeedu yahay sidii loo sii dardar-gelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada madaxwayne ay sidoo kale ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka dhinacyada badan ee u dhexeeya labada dal.
Dalka ayaa waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas qayb ka ahaa hawlgalladii kala duwanaa ee ka dhanka ahaa argagaxisada, waxaana Uganda ay ahayd dalka ugu ciidanka badan ciidamada Afrikaanka ah ee jooga Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay yimaadeen markii ugu horreysay sanadkii 2007-dii.






















