Miisaaniyadda iyo Nidaamka Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta la Ansixiyay: SAWIRRO

0
432

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta saxiixay miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024-ka iyo xeerka nidaaminta maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa madasha ka sheegay in miisaaniyadda iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, isaga oo ka codsaday mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Mas’uuliyiinta madashada ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2024-ka iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ay ku aamuseen.

Ugu dambeyn, Munaasabada ansixinta miisaaniyada maamulka gobolka Banaadir ee 2024-ka, waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha XFS, hanti-dhowraha guud ee Qaranka, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud, madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, agaasimeyaasha guud, agaasime waaxeedyada, la-taliyeyaal iyo garyaqaanka maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here