SAWIRRO: Guddoomiye Ciise Guure oo ka Qaybgalay Munsaasabad lagu soo Xirayay Tababar: MUUQAAL

0
763

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Ciise Guure ayaa ka qaybgalay maanta munaasabad lagu soo xirayay tababar socday muddo seddex maalmood ah oo lagu qabtay Macadka Maaliyadda iyo Maamul-wanaagga oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo halku-dhiggiisu ahaa “Hogaaminta Adeeg Bulsho oo Wax-tar leh” ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa awoodda xirfadeed ee shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabaddan oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayuu guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda maamulka Gobolka Banaadir, waxa uu kula dardaarmay shaqaalihii tababbarkan dhammeystay in ay isticmaalaan aqoontii ay faa’iideysteen xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ciise Guure ayaa ugu bishaareeyay shaqaalihii dhammeystay tababarkan in la joogteyn doono tababarradan, iyadoo had iyo jeer hor -tabin laga dhigi doono hadba baahida markaa jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here