Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jumcaale (Madaale) ayaa xarig-jarka suuqa casriga ah ee Jubba HyperMarket xalay laga furay Muqdisho ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Suuqan Casriga ah oo laga hirgeliyay meel ku dhaw Hotelkii hore ee Jubba, Degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa Maalgashaday Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo suuqan uu kor u qaadayaa bilicda iyo ganacsiga magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Madaale ayaa bogaadiyay ganacsatadii hir-geliyay suuqan, isagoo sheegay in cid walba oo Magaaaladan Maal-gashanaysa ay soo dhaweynayaan.













