Madaxweyne Xasan oo Shaaca ka qaaday Xilliga ay Muqdisho yeelanayso Maqaam: SAWIRRO

0
516

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka dalka uu qorayo in Muqdisho ay yeelato maqaam u gaar ah, waxaana la jaangoyn doonaa buu yiri marka lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo su’aashan lagu weydiiyay kulan dood furam ah oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in dadka ku nool Caasimadda ay xaq u leeyihiin inay hoggaankooda soo doortaan, haddii uu ku xumaadana ay iska beddelaan, haddii uu u wanaagsanaadana ay mar kale dib u doortaan.

“Maqaamka ay Muqdisho yeelanayso weli lama sameyn, asbaabaha loo sameyn waayayna way fara badan yihiin, waxaana ka mid ah sababaha uu dastuurkeennu weli qabyada u yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo uu su’aashan weydiiyay Maxamed Axmed Cantoobo oo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ka tirsanaa, ayaa jawaabihii uu ka bixiyay madaxweyne Xasan Shiikh waxaa ka mid ahaa;  in sida caalamka kale ay shacabka Caasimaddu awood u yeelan doonaan inay maamulkooda iyaga soo xushaan.

“Dastuurka waxa uu qabyo yahay 11-sano, Maqaamka Muqdisho ay yeelanaysana halkaas ayuu ku dhex-jiraa, weli lama go’aamin inay la mid noqonayso maamullada federaalka ah ee dalka ka jira, inay maqaam u gaar yeelanayso iyo in kale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxeeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta ay goonida uga dhigeen sugidda amniga caasimadda ay tahay in la gaarsiiyo sidii ay shacabkeedu awood ugu yeelan lahaayeen inay iyagoo xor ah inya soo baxaan ay sanduuq ku doortaan maamulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here