Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa ka qayb-galay shir lagu soo bandhigayay guulaha laga gaaray Amniga Caasimadda sanadkan 2023-ka iyo sii joogtaynta guulahaas oo ay soo qaban-qaabiyeen xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa si faah-faahsan uga warbixiyay guulaha amni ee caasimaddu ay gaartay, isaga oo tilmaamay in amni la’aan aysan jirayn nolol iyo horumar dowladeed, sidaas awgeedna uu gobolka Banaadir xoogga saaray sidii ammaanka caasimadda loo xaqiijin lahaa, waxa uuna amaanay doorka laamaha ammaanka oo aan la’aantood la gaareen guulaha intaas le’eg oo ay har iyo habeen u soo jeedaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qaybo badan oo ka mid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni ka jiro caasimadda.
Ugudambeyn, Madashan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culummada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyada oo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

















































