Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Dhagaxdhigay dib u dhiska Dugsiga Hoose & Dhexe ee Waxaracadde: SAWIRRO

0
290

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta Gobolka Banaadir, mudane Cabdulcasiis Cusmaan Maxamed ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dib u dhiska dugsiga hoose/dhexe ee Waxarcadde ee degmada Heliwaa.

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka, isla markaana ubadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah, isagoo ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan dardargelinta dhismaha dugsigan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in dugsigan oo la dhisay sanadkii 1984-tii uu ku burburay dagaalkii sokeeye ee dalka, wixii xilligaasi ka dambeeyayna aysan suuragal noqon in wax lagu barto, wuxuuna wasaaradda waxbarashada XFS ugu mahad-celiyay doorka ay ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada Heliwaa, mudane Mire Salaad Dhuxuloow iyo qeybaha bulshada deegaanka ayaa soo dhaweeyay dib-u-dhiska lagu sameynayo dugsiga Waxarcadde, iyagoo sheegay in dib-u-dhiskaan uu kusoo beegmay xilli caruurta ku dhaqan degmada Heliwaa ay baahi weyn u qabeyn helidda goobo waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here