Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in taako ka mid ah dhulka, badda iyo hawada dalka Soomaaliya aan lagu soo xad-gudbi karin.
Mudane, Xamsa oo ka hadlayay kulan xasaasi ah oo ay maanta ka yeesheen golaha Wasiirrada XFS damaca Itoobiya ee ku aaddan u hanqal taagga biyaha Somalia ayaa sheegay in ay diyaar u yihii difaaca dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan, waxa uuna sheegay inaan lagu soo xad-gudbi karin geyigeenna, kana go’an tahay difaaca dalkeenna guud ahaan.
“Taako ka mid ah dhulkeenna, baddeenna iyo hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha XF Somalia ayaa sheegay in ay weji kasta oo sharci ah ku difaacayaan dalka, iyagoo kaashana shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, waxa uuna ku celceliyay in ay awood u leeyihiin difaaca dalka.
Mudane, Xamsa ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel iska dhigaan wax kasta oo ay isku hayaan loona midoobo difaaca dalka iyo Qarannimadeenna.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa sheegay in xilligan oo kale aysan ahayn markii waxyaabo dhexdeenna ah lagu mashquuli lahaa, isaga oo bulshada faray in loo istaago difaaca dalka, xukuumadduna ay ka go’an tahay in ay ku hoggaamiso Umaadda Soomaaliyeed difaaca dalka.













