Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland ee dib loo doortay iyo ku-xigeenkiisa

0
244

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor hoggaanka la doortay in ay ku guleystaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi (Deni) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay Madaxweynaha la doortay in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Mudane Xamsa waxa uu boggaadiyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay in doorashada Puntland ku qabsoonto si nabdoon iyo dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Puntland, taasi oo muhiim u ah buu yiri horumarka dowlad dhiska dalkeena Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here