Dhallinyarada GURMAD ayaa garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium kusoo bandhigay maanta wacyigalin si loo xiojiyo midnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed.
Bandhiggan ayaa waxaa intii uu socday la qaadayay heeso waddani ah oo dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed dhaqaajinaya, waxaana gaariga bandhigga lagu sameynayay saarnaa haween ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo muujinayay sida ay u qiimo badan yahay midnimada shacabka oo la adkeeyo.













