140 qof oo haween ah iyo odayaal da’ ah oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta ka faa’iideystay deeq lacago ah oo ay u qeybisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation si ay afurka ugu kaalmeystaan.
munaasabadan lacagaha cash ka ah lagu bixinayay ayaa waxaa goobjog ka ahaa gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo gudoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation Abdirahman Ibrahim Elmi .
deeqdan ayaa qeyb ka ah qorshe balaaran oo ah taakuleynta dan yarta oo ay hay’addu ugu talagashay bisha barakeysan ee ramadan