Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay shirka magaalooyinka iyo caasimadaha Carabta oo ka dhacay magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.
Shirkan ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii uu gaaray ururka magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, qorshayaasha loo baahan yahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajandayaasha shirka soo socda oo ay dhammaan isku raaceen madaxda shirka ka qayb-galeysa.
Gabagabadii shirka Duqa Bagdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa hadiyad qaali ah guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdsho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).















