Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo laga hirgeliyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
282

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray waddo Interlock ah oo dhex-marta waaxda Barwaaqo ee degmada Warta Nabadda.

Duqa Muqdisho ayaa maamulka iyo bulshada degmada Warta Nabadda ku ammaanay iskaashiga iyo wadajirka ay ku hor-marinayaan kaabayaasha isku socodka degmada Warta Nabadda, isaga oo dhinaca kale ugu baaqay bushada in ay ka qayb-qaataan barnaamijka dalkaaga hal doolar ku dhiso.

Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, marwo Seynab Maxamuud Xaabsey, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Warta Nabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here