Madaxweynaha Dowlada Galmudug oo Furay Kal-fadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada: SAWIRRO

0
385

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa Golaha uga mahad celiyay waxqabadkii ballaarnaa ee soo qabteen kalfadhiyadii lasoo dhaafay iyo isla xisaabtanka joogtada ah ee ay wadaan mudanayaasha Golahu, isagoo sidoo kale ammaanay howlaha hortabinta u leh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahaceliyay ciyaartoydii xulka Galmudug ee ku guuleystay shalay koobkii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here