SAWIRRO: Maamulka G/Banaadir oo ku soo dhaweeyay Muqdisho Cayaartooy Kubadda Cagta ah oo ka yimid Kanada

0
318

Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka G/Banaadir, mudane C/llaahi Aadan Muuse oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka isboortiga gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha ururka haweenka ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay koox cayaartoy kubadda cagta oo ka timid dalka Canada (Toronto FC).

Kooxdan oo marti-qaad rasmi ah ka haysata maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, ayaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho waxa ay kulamo cayaareed saaxibtinimo la cayaari doonaan qaar ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here