Dowladda Maraykanka oo aad u adkaysay in ay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qarannimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.
“Waxa aan qabnaa walaaca ah in is-af-garadka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeenna wadajirka ah, kaas oo ay ku jirto kaalinta Itoobiya ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaallanka Khawaarijta,” ayay tiri Molly Phee kaaliya xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika
Ugu dambeyn, Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay taageersantahay wada-hadallada u dhaxeeya dowlada federaalka Somalia iyo maamulka goballada Waqooyi ee ku saleysan mustaqbalka Soomaaliya.













