Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Daah-furay Barnaamijka Shaqo Hufan oo lagu xoojinayo shaqada iyo shaqaalaha: SAWIRRO

0
472

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, ahna ku-simaha madaxweynaha, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta daah-furay barnaamijka shaqo hufan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Furitaanka munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa; wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS, mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, wasiirka xannaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa, mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS, hay’adaha kala duwan ee deeq-bixiyaasha ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ururka shaqaalaha adduunka (ILO) iyo madax lagu casuumay munaasabadda.

Wasiirka Shaqada iyo Bulshada XFS oo ka bixiyay faafaahin barnaamijka shaqo hufan ayaa sheegay in mashruucan ay wasaaraddu kormeeri doonto, waxa uuna xusay in shaqaalaha wax-qabadkoooda lagu abaal-marin doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo xiray munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay barnaamijka shaqo hufan, khudbad uu ka jeediyay ayuu ku sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dhallinyarada ay bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan, Wasaaradduna ay billowdo tababarro lagu baraayo dhallinyarada xirafado shaqo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe wuxuu tilmaamay in shaqaalaha cadaalad loo sameeyo si shaqada ay u hayaan bulshada u noqoto mid hufan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here