War.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalaada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa uu maalintii labaad ka qeyb galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka ayaa warbixin lagaga dhageysanayaa Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
Intaa kadib, Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qaabilay wakiillo ka socday Haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade, waxa ayna ka wada hadleen xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka dalka.