Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar-filish ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayey amaanka magaalada Muqdisho, waxa kulnka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga dalka gaar ahaan kan caasimadda muqdisho oo ay maalamihii la soo dhaafay ka dhaceen shaqaaqo u dhexeysa ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.
Kulanka waxaa ka qey galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxaed Cumar-filish, wasiirka amniga xasan xundumeeey Jimcaale, Wasiiraka Gaashandhiga iyo taliyeyaasha ciidammada.














