SAWIRRO: Kulan la xiriira Hawlgallada lagu sugayo Amniga Caasimadda oo lagu Qabtay Muqdisho

0
501

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diuriye Yabooh ayaa xarunta taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed uga qaybgalay kukan looga hadlay amniga guud ee caasimadda dalka, kaasoo uu soo qqbanqaabiyay taliyaha booliiska Somalia, Jen. Sulub Axmed Firin.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen gabi ahaan taliyeyaasha qaybaha booliiska iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska ee ku yaalla Xamar ayaa waxaa diiradda lagu saaray ammaanka ee hawwlgalka ciiltire, kuwaas oo shacabka caasimaddu ay ku diiraadeen.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa sugidda amniga Caasimada. Maadaama, muddooyinkii dambe uu ka socday hawlgallo lagula dagaallamayay Khawarijta, burcadda hubeysan ee loo yaqaan ciyaal-weerada iyo maandooriyaha.

Dhanka kale, saraakiisha ciidan ee kulanka ku sugnaa ayaa looga dhageystay meesha uu marayo hirgalinta xeerka xakameynta hubka caasimadda iyo dadaallada hawl-galka Ciiltire. Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ka mahadceliyay sida shaqadu u socoto, dadkana loogu adeegayo.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kulanka soo xiray aya bogaadiyay kuna dhiirri-galiyay saraakiisha ciidanka ka hael-gala Muqfisho gudashada waajibaadka sugidda amniga caasimadda iyo xaqiijinta amniga xarumaha Imtixaanaadka Qaran lagu galayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here