VIDEO: Shacabka Daggan Dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliska oo mar kale lagu amray inay ka Guuraan

0
199

Taliska Booliiska Somalia ayaa mar kale ku celiyey in kama danbays maalinta Arbacada ah ee soo socota laga guuro dhulkii dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha booliiska oo ku yaalla gobolka Banaadir, gaar ahaan ka soo horjeeda daarta Sey-Biyaano.

“Waxaa lagu heshiiyay taliska booliska iyo dadka deegaanka dadkii ay soo dirsadeen in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo ku ekeyd maalintii uu waqtiga ka dhacay oo shaqaadadu ay dhacaysay, dadka guryaha deggen ee ku haray waxaa la gaarsiiyay in taliska ciidanka booliiska uu siiyay laba isbuuc oo kale,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Somalia, G/lle Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku sii daray: “Toddobaad wuu dhammaaday waxaa soo haray hal toddobaad kale oo dhamaanaya maalinta Arbacada ee soo socota.”

Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliiska G/lle Sadiiq Doondishe ayaa sheegay in dadka degan dhulkaan ay dhammaatay muddadii loo qabtay, ayna u hartay todobaad muddo ka yar, isaga oo ka codsaday in ay ugu guuraan muddadii loo cayimaday inay ka dhulkaas banneeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here