Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan mahad-celin ah u sameeyay cayaartoyda, macallimiinta iyo maamulka xulka kubadda cagta gobolka Banaadir ee ka qayb-galay cayaaraha kubadda cagta maamul-goboleedyada dalka oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa billado, shahaado-sharaf iyo lacago guddoonsiiyay cayaartoyda, macallimiinta, maamulka iyo taageerayaasha xulka Gobolka Banaadir, waxa uuna kaga mahad-celiyay dadaalka iyo cayaar-wanaagga ay muujiyeen inta uu socday tartanka kubadda cagta maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, xoghayaha guud, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo, guddiyadda isboortiga iyo haweenka gobolka Banaadir, taageerayaal iyo marti-sharaf kale.












































































