Guddoomiye Madaale oo Guddoomiyay shirkii Degmooyinka iyo Deegaannada Caasimadda: SAWIRRO

0
300

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ahaa ee degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, kaas oo loogu hadlay amniga caasimadda, bilicda iyo nadaafadda iyo sare u qaadidda dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ayaa waxa uu duqa Muqdisho kula dar-daarmay madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo adeegyada loo hayo bulshada ku nool caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here