Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda farxadda Ciidul Fitriga kula qaatay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa salaan la dhex-maray bulshadii u soo damaashaad tagtay xeebta Liido oo ka kala yimid degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, waxa uuna u rajeeyay in maalintan weyn ee Ciidul Fitriga ay farxad iyo nabad ku qaataan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka uu Liido kula kulmay ugu hambalyeeyay ciidul-fidriga, isagoo u rajeeyay in ciiddan teeda kale ay ku gaaraan nabad iyo baraare.
















