Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhaxeeya xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha xukuumadda federaalka ee siyaasadda loo dhan yahay.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Saalax ayaa madasha la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024-ka, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay siiyaan Soomaaliya.














