Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda Muqdisho oo loo diyaarinayo nidaamka waddo-marista waddooyinka.
Taliyaha ciidanka nabadgalyada waddooyinka Jen. Bishaar Axmed Geeddi ayaa mas’uuliyiinta ugu warbixiyay qorshaha hirgelinta xeerka nidaamka waddo-marista magaalada Muqdisho oo meel wanaagsan maraya, isagoo sheegay in ay jiri doonto dhaqan-gelinta xeerka iyo isla xisaabtan ku aaddan ku xad-gudubta nidaamka waddo-marista.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha nidaamka waddo-marista uu qayb weyn ka qaadanayo badqabka bulshada, yarenta saxmada waddooyinka iyo bilicda caasimadda, isaga oo ka digay in lagu xad-gudbo goobaha ka dhaxeeya bulshada.















