Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka warbixiyay shabakad ka ganacsata Maandooriyaha oo lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay duleedka Muqdisho.
Guddoomiye Madaale oo ay wehliyaan maamulka degmada Heliwaa, taliyaha Qaybta Bari iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatay xogta iyo qabashada koox ku hawlaneyd saamaynta iyo ka ganacsiga maandooriyaha.
Kooxdan sameysa kana ganacsata maandooriyaha ayuu guddoomiye Madaale sheegay inay xarumo ka sameysteen duleedyada Muqdisho, kaddib markii uu ciidanka booliisku billaabay ugaarsiga ragga maandooriyaha sameeya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa digniin culus u diray ragga sameeya kana ganacsada maandooriyaha, ciyaal-weerada iyo wax kasta oo Caasiamdda kawada hawlo dhaqan xumo ah oo lagu luminayo mustaqbalka dhallinyarada, isagoo wacad ku maray inay la dagaallamayaan kooxahaas.
Ugu dambeyn, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/lle Sare, Mahdi Cumar Muumin oo qayb ka ahaa hawlgalka lagu ugaarsanayao kooxahan ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo dadka isticmaala.













