Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa akadeemiyada booliiska Jeneraal Kaahiye tababar ugu soo xiray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaasoo horay tababar kan ka horreeyay ugu soo qaatay dalka Jabuuti.
Jeneraal Sulub ayaa ciidamada uu tababarka u soo xiray iyo guud ahaan ciidanka booliiska kula dardaarmay ilaalinta xuuqaadka muwaaddinka Soomaaliyeed iyo handitooda.
“Innagu dhibbanaha ayaanu u qareennaa, miskiinkana waan caawinnaa. Waxaana ka shaqeynaa sidii aanu u badbaadin lahayn; nafta, sharafka iyo hantida muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri Jeneraal Sulub.
Sidoo jale, Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in ciidanka booliiska aan la barin dab-ridka, furfurka qoryaha iyo wixii la mid ah, isagoo xusay in haddana aysan u baahnayn inay bartaan.
“Hawsheennu waa inaan shacabka kan qaldan aan niraahno waxani waa qalad, inaan waddada toosan tusno, balse ma ahan inaan hub u qaadanno” ayuu mar kale yiri Jeneraal Sulub.
Ugu dambeyn, Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa ku boorriyay ciidanka inay ka fogaadaan oo ay iska ilaaliyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya, maadama uu booliiskau yahay ilaaliyaha bulshada, loona baahan yahay in ay ka fogaadaan maandooriye oo dhan, tallaabana kaga qaadi doono shaqsihii lagu helo inuu maandooriye isticmaalo.















