Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday caawa madaxtooyada Qaranka ku guddoonsiiyay xulka Galmudug koobka kubadda cagta ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo ay ku guuleysteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay tartankii xiisaha lahaa ee lagu qabtay markii ugu horreysay garoonka kubadda cagta Muqdisho Staduim ayaa tilmaamay inay cayaarahu soo bandhigeen nabadda iyo xasilloonida ka jira caasimadda, iyada oo bulshaduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, taasoo laga dheehan karay buu yiri sida ay dadweynaha Muqdisho ku nool u soo buux dhaafiyeen garoonka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Somalia ay samaysay, laakiinse ma jirin cid si toos ah afka ugu dhuftay.











































