Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday masjid ku yaala magaalada Ankara madaxweyne ku xigeenka dalkaas, mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan ayaa salaadda kaddib hadal uu jeediyay ku sheegay in maanta ay ka mid tahay maalmaha Alle xagiisa ugu fadliga badan, loogana baahan yahay qof walba oo muslim ah inuu walaalkiis cafiyo, isla markaana muslimiintu ay is-caawiyaan.















