Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Waxaana sharcigan horay u soo ansixiyay xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare, senator Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana goobjoog ka ahaa inta badan senatarrada Aqalka Sare.
Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), waxaana lagu tilmaanay tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka sare ansixinta sharciga aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.














