Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta ansixiyay heshiiska ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Africa (East African Community EAC), waxaana ogolaaday 148 xildhibaan.
Ansixinta baarlamaanka ee heshiiskan ayaa waddada u xaaraya dhameystirka hab-raaca xubinnimada Soomaaliya ee ururka, iyadoo EAC siisay muddo 6 bilood ah oo ay ku gudbiso heshiiska oo lasoo mariyay hay’adda sharci dajinta, lana ansixiyay.
Golaha wasiirrada urur goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaaray in marka loo gudbiyo heshiiska maanta la ansixiyay, inay guda-galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnimada rasmiga ah ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.
24-kii Nov, 2023-kii ayaa shir madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu ansixiyay codsiga jamhuuriyada federaalka Somalia ee ku biirista urur goboleedka Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo guddoomiyaha xilligan ee EAC, madaxweynaha jamhuriyadda Koonfuurta Suudaan ayaa bishii December 15, 2023 si rasmi ah u saxiixay heshiiska ku biiirista ururka.
Ugu dambeyn, Somalia ayaa noqonaysa xubinta 8-aad ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika, waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ( DRC).















