Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo afjartay Kiiskii 3-aad ee Dacwada Musuqmaasuqa: Sawirro

0
420

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka 9-aad ee kiisa dacwadeedka ciqaabta nambarkiisu yahay 1044/ 2023, kaas oo ay eedeysanaal ka yiihiin:

1. Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim.

2. Cabduwaaxid Muxsin Ibraahim.

3. Cabdullaahi Maxamed Cali iyo

4. Maxamed Cadde Mukhtaar,

Eedeysanayaashan ayaa waxaa kiisaska loo haysto ee musuqmaasuqa kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaalinta.

Fadhiga maxkamadda ee maanta ayaa waxa uu ku saabsanaa dhameystirka difaaca qareenadda iyo gebagebada fadhiyadda kiiskan ee dacawada musuq maasuqa.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidookale soo gebagebeeyey eedda uu u haysto eedeysanayaasha, wuxuuna Maxkamaddu ka codsaday in eedeysanayaasha ay ku hesho qodobadda lagu soo eedeeyey iyo in Maxkamaddu ku xukunto ciqaabta ugu sarreysa ee ku xusan qodobadda lagu soo eedeyey.

Dhanka kale Qareenada difaacayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda soo jeediyey geba-gebada difaacooda eedda xeer ilaalinta ay ku eedeysay eedeysanayaasha, waxay Maxkamadda ka codsadeen inay texgeliso codsigooda ku aadan in eedeysanayaasha xuriyadooda dib loo siiyo lana sii daayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamaddu ay go’aan u diray galkaan, gadaalna ay ka soo sheegi doonta ku dhawaaqista kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here