MADAXWEYNE XASAN: Cid walba oo ku lug yeelata falka gurracan ee saraakiisha lagu laayay waxaan ka qaadaynaa tallaabo adag

0
353

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay gudaha masjid ku dhex-yaalla xerada Jeneraal Goordan, iyada oo la xaqiijiyay in weerarkan uu fuliyay askari watay qori si darandoorri ah u dhaca, kaasoo ka tirsanaa ciidamada booliiska ah ee sida millateriga u tababaran, kaasoo ugu dambeyn lagu dilay isla goobtii uu weerarka ka geystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Dowladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Waxa aan sida adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha saraakiishan waqtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeenna iyo dib-u-dhiska ciidamadeena, aniga oo faraya laamaha amniga in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaan, waxa aanan ballan-qaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkaan guracan.

Dowladda iyo Sshacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, waxa aan uga mahad-celinaynaa garab-istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annaga oo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeenna xilligaan adag.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dalka ayaa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ku booqday Isbitaalka Reccep Erdogan ee Muqdisho (Ex Digfeer), waxaana falkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee noociisa ah er Muqdisho ka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here