Xarunta waaxda gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar waxaa maanta kulan ku qaatay mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar iyo mas’uuliyiin ka socday waaxda farsamada iyo dab-damiska dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay oo fadhigoodu yahay Muqdisho.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isku kaashan lahaa, la iskuna dhaafsan lahaa aqoonta iyo waaya aragnimada labada dhinac ee dowladda Hoose waaxyaheeda gurmadka degdegga iyo gaadiidka iyo qaybta farsamada gaadiidka iyo dab damiska dowladda Turkiga oo fadhigoodu yahay xerada TURKSOM ee Muqdisho.
Kulanka dhanka dowladda Hoose waxaa ku metelayey agaasimaha warbaahinta mudane Cabdinaasir Xersi Iidle iyo agaasimaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee dowladda Hoose ee Xamar, mudane Cabdiqani Maxamed Axmed.
Intii uu kulanku socday ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii labada dhinacna ay aqoontooda u wadaagi lahaayeen, waxaana la isla gartay in kulankan kan xiga uu ka dhaco xerada TURKSOM todobaadka soo socdaa, iyada oo warbaahinta gobolka Banaadir ay qaadan doonto doorkeeda tabinta wararka ku saabsan iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac ee maanta kulmay.
Sidoo kale, Turkiga ayaa ballanqaaday inay hagaajin doonaan gaadiidka ciladeysan ee ay Turkigu hore ugu deeqeen dowladda Hoose gaar ahaan waaxda gaadiidka, iyadoo kulanka markii dambe uu ku soo biiray agaasmaha waaxda gaadiidka ee dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, Kulankan ayaa kusoo dhammaday is-faham, iyadoo lagu ballamay in kulammada iskaashi ee noocan oo kale ah la joogteeyo, si loo xoojiyo adeegyada loo hayo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.















